PremiumBEGINNER

Computer and Operating System Basics

Baro aasaaska kumbuyuutarka operating system -ka, network -ga, iyo web applications -ka ee aad u baahan tahay ka hor inta aadan u guda gelin mawduucyada qoto dheer ee cybersecurity -ga

View Curriculum
Computer and Operating System Basics
Duration
2h 15m
Chapters
7
Lessons
13
Labs
Outcomes

What you'll learn

Skills you walk away with after finishing this track.

  • Sida Kumbuyuutarku u Shaqeeyo sida CPU, RAM, iyo Storage-ka
  • Sida Kumbuyuutarku xogta u keydiyo Bits iyo Bytes, iyo muhiimadda Data Formats iyo Encodings.
  • Sida Operating System-ku u maamulo devices-ka iyo Users-ka.
  • Sida Kumbuyuutarku u isticmaalop Programs-ka, Processes-ka iyo Services-ka
  • Sida aaladuhu u wada xiriiraan iyagoo isticmaalaya IP Addresses, Routers, iyo DNS.
  • Fahamka buuxa ee nidaamka Client iyo Server
  • Kala saarista shaqooyinka Front End, Back End, iyo Databases.
  • Sida software-ku u wada hadlaan iyagoo adeegsanaya APIs iyo JSON.
Brief

About this course

Koorsada Aasaaska Kumbuyuutarka iyo Operating System-ka waxay ku siinaysaa saldhigga bilowga ah ee aad u baahan tahay ka hor inta aadan baran Linux, networking, HTTP, web applications, iyo tijaabinta cybersecurity-ga. Module-kani wuxuu luqad fudud ku sharxayaa sida kumbuyuutarradu u shaqeeyaan: sida ay u qaataan xogta (input), u falanqeeyaan macluumaadka (process), u kaydiyaan xogta (store data), una soo bandhigaan natiijada (output).

Waxaad baran doontaa qaybaha ugu muhiimsan ee ku dhex jira kumbuyuutarka, oo ay ku jiraan CPU, RAM, storage, files, data formats, iyo aaladaha (devices). Waxaad sidoo kale faham buuxa ka yeelan doontaa shaqada operating system-ka, iyo sida uu u maamulo users, permissions, programs, files, memory, iyo application-ka socda (running processes).

Intaas ka dib, module-kani wuxuu fikradahaas ku xirayaa dunida internet-ka (web). Waxaad baran doontaa sida aaladuhu ugu wada xiriiraan networks-ka dhexdooda, waxa ay yihiin clients iyo servers, sida requests iyo responses u shaqeeyaan, iyo sida websites-ka casriga ahi u isticmaalaan front ends, back ends, databases, APIs, iyo JSON. Marka aad dhammayso, waxaad si buuxda u fahmi doontaa erey-bixinnada farsamo ee aasaasiga ah, kuwaas oo si joogto ah ugu soo noqnoqon doona barashadaada cybersecurity-ga.

Ready when you are

Start Computer and Operating System Basics today

Join the SomHack academy and build real, employable cyber skills with hands-on labs in your own language.

Browse all courses