Free / BasicBEGINNER

HTTP Basics for Web Hacking

Baro aasaaska HTTP/HTTPs inta aadan dhex gelin badweynta hacking-ka, waxa sido kale baraneysaa requests, responses, methods, headers, cookies, status codes, iyo sida loo dhiso web requests si fudud.

View Curriculum
HTTP Basics for Web Hacking
Duration
4h
Chapters
4
Lessons
8
Labs
4
Outcomes

What you'll learn

Skills you walk away with after finishing this track.

  • Waa maxay HTTP iyo sababta uu muhiim ugu tahay web hacking-ka.
  • Farqiga u dhexeeya HTTP iyo HTTPS.
  • Sida browsers-ka iyo servers-ku u wada xiriiraan.
  • Waa maxay HTTP requests iyo responses.
  • Sida ay u shaqeeyaan HTTP methods-ka sida GET, POST, PUT, PATCH, iyo DELETE.
  • Macnaha status codes-ka iyo sida loo akhriyo.
  • Maxaa loo isticmaalaa headers-ka ku dhex jira HTTP messages-ka.
  • Maxay yihiin cookies-ku iyo sida websites-ku u isticmaalaan.
  • Sida request data-da loogu diro iyadoo la adeegsanayo parameters iyo body values.
Brief

About this course

Module-kani waxaad ku baranaysaaa aqoonta aasaasiga ah ee HTTP ee aad u baahan tahay ka hor inta aadan bilaabin web hacking-ka (practical web hacking). HTTP waa nidaamka isgaarsiineed ee ay isticmaalaan browsers-ka iyo web servers-ku, sidaa darteed fahamkiisu waa mid ka mid ah aasaasyada ugu muhiimsan ee weeraridda iyo tijaabinta (testing) web applications-ka.

Waxaad baran doontaa waxa uu yahay HTTP, sida HTTPS uu u ilaaliyo web traffic-ga, iyo sida browsers-ka iyo servers-ku isku weydaarsadaan requests iyo responses. waxa sidoo kale baran doontaa sida HTTP methods-ku u shaqeeyaan, oo ay ku jiraan methods-ka caanka ah sida GET, POST, PUT, PATCH, iyo DELETE, iyo sababta methods-ka kala duwan loogu isticmaalo falalka kala duwan ee ka dhex dhaca web applications-ka.

Module-ku wuxuu sidoo kale sharaxayaa qaybaha muhiimka ah ee HTTP message-ka, oo ay ku jiraan headers, cookies, iyo status codes. waxaad fahmi doontaa sida websites-ku u isticmaalaan cookies-ka si ay u xasuustaan users-ka, sida headers-ku u xambaaraan xog dheeraad ah, iyo sida status codes-ku u muujiyaan wixii dhacay kadib markii request-ga la diray.

Dhamaadka module-ka, waxaad geli doontaa qiimayn wax ku ool ah oo ku saabsan dhisidda requests-ka (practical request builder assessment). Layligani wuxuu ka caawinayaa inay ku dabaqaan wixii ay barteen iyagoo dhisaya HTTP requests fudud oo leh methods, parameters, headers, cookies, iyo request data kala duwan.

Ready when you are

Start HTTP Basics for Web Hacking today

Join the SomHack academy and build real, employable cyber skills with hands-on labs in your own language.

Browse all courses