Linux Fundamentals for Hackers
Baro aasaaska Linux-ka si 'Practical' ah. Kooras-kaan wuxuu ku barayaa isticmaalka Terminal-ka, maamulida faylasha, Users-ka, Networking-ka, iyo Security-ga Waa bilawga ugu fiican ee barashada Cybersecurity iyo Web hacki…

What you'll learn
Skills you walk away with after finishing this track.
- Waxaad baran doontaa aasaaska Linux-ka iyo sida uu u shaqeeyo,
- Sida loo isticmaalo Terminal-ka iyo Shell-ka,
- Waxaad baran doontaa sida looga raadiyo xogta ku dhex jirta faylasha
- Waxaad baran doontaa sida loo maamulo Users-ka iyo sida loo badalo Ogolaanshiyaha/Permissions-ka Faylasha.
- Waxaad baran doontaa sida Software loogu shubo loona tirtiro.
- Waxaad baran doontaa sida loo sameeyo Backups-ka
- Waxaad baran doontaa sugida amniga Linux-ka (Security)
- Waxaad baran doonta sida configure-gareeyo Firewalls-ka Linux
- Ugu dambeyn, waxaad baran doontaa Shortcuts iyo Tips & Tricks kuu fududeynaya isticmaalka Linux-ka.
About this course
Module-kan waa mid aasaasi ah oo si gaar ah loogu talagalay dadka raba inay galaan dunida Cybersecurity-ga iyo Ethical Hacking-ka, balse ku cusub nidaamka Linux-ka. Kooris-kaan waxaad ka heli doontaa dhamaan aasaaska aad u baahantahay si aad si kalsooni leh ugu isticmaashid Linux-ka.
Kooriskaan wuxuu noqon doonaa mid "Itus oo i taabsii" (Practical) ah
Hacking-ku wuxuu ka bilowdaa fahamka nidaamka aad weerareyso ama aad difaaceyso, Linux-kuna waa nidaamka (Operating System-ka) ugu weyn ee ay isticmaalaan Hackers-ka iyo khubarada amniga (Sida Kali Linux). Kooras-kaan waxaad ka heli doontaa dhamaan aasaaska aad u baahantahay si aad si kalsooni leh ugu isticmaashid Linux-ka.
Kooriskan wuxuu kaa caawinayaa inaad fahanto sida Linux u shaqeeyo, sida loo isticmaalo terminal-ka, sida loo maareeyo files-ka iyo folders-ka, sida loo abuuro loona maamulo faylal, sida loo raadiyo xog, sida loo kala shaandheeyo output-ka commands-ka, iyo sida loo isticmaalo tools muhiim ah sida grep, find, awk, sed, chmod, systemctl, iptables, iyo kuwo kale.
Waxaad sidoo kale baran doontaa sida loo maamulo users iyo permissions, sida software loogu so install-gareeyo Linux, sida loo eego processes-ka iyo services-ka ka daaran system-ka, sida loo fahmo network configuration, iyo sida loo ilaaliyo system-kaaga adigoo fahmaya firewall iyo Linux security basics.
Kooriskani ma aha sheeko keliya. Waa kooris practical ah oo ku tusaya commands-ka, waxa ay qabtaan, iyo sida aad ugu isticmaali karto xaalado dhab ah. Dhamaadka kooriskan, waxaad yeelan doontaa foundation adag oo Linux ah.
Waqti gaaban gudahood waxaad ku baran doontaa waxwalbood ugu baahantahay inaad Linux ka ogaato si aad ugu diyaar garowdo barashada Hacking-ka, waliba si Practical ah. Dhamaadka Course-kaan waxaad gaari doontaa darajo aad si kalsooni leh ugu shaqeysid Linux.
Markale Soo dhawaw!
Who this course is for:
Dadka xiiseeya barashada Ethical Hacking iyo Cybersecurity ee ku cusub Linux-ka.
Dadka Soomaalida ee rabo inay Af-kooda hooyo wax ku bartaan.
Ardayda, iyo Cidwalboo Jecel inay Linux Barato.
Start Linux Fundamentals for Hackers today
Join the SomHack academy and build real, employable cyber skills with hands-on labs in your own language.