Networking Fundamentals for Hackers
Baro aasaaska Networking -ka adigoo ka eegaya xagasha Hacker -ka. Fahan sida internet-ku u shaqeeyo, baro IPs , Ports , TCP , iyo DNS si aad u dhisto aasaas adag oo kugu hogaamiya inaad noqoto Bug Bounty Hunter xirfad le…

What you'll learn
Skills you walk away with after finishing this track.
- Fahamka aasaasiga ah ee shabakadaha iyo farqiga u dhexeeya OSI Model iyo TCP/IP Model.
- Sida ay u shaqeeyaan IPv4, IPv6, iyo MAC Addresses, iyo doorka ay ku leeyihiin isgaarsiinta.
- Fahamka Subnetting iyo CIDR Notation (Target Scoping).
- Doorka Routers, Gateways, iyo Packet Routing.
- Farqiga u dhexeeya TCP iyo UDP, iyo sida TCP 3-Way Handshake u shaqeeyo.
- Ports-ka iyo Protocols-ka ugu muhiimsan ee aad la kulmi doonto xilliga Hacking-ka.
- Sida DNS u shaqeeyo iyo muhiimadda weyn ee uu u leeyahay Web Hacking-ka.
About this course
Si aad u noqoto Web Hacker ama Bug Bounty Hunter guulaysta, waa inaad marka hore si buuxda u fahamtaa sida internet-ku u shaqeeyo iyo sida kombuyuutarradu xogta isugu gudbiyaan.
Module-kani waxay si toos ah diiradda u saaraysaa xirfadaha Networking-ka ee lagama maarmaanka u ah amniga internet-ka (Cybersecurity).
Halkan, waxaad ku baran doontaa qaab-dhismeedka networking-ka. Waxaan si faahfaahsan u eegi doonaa sida xogtu u dhex marto internet-ka, laga soo bilaabo OSI Model iyo TCP/IP, ilaa fahamka IP Addressing, Subnetting, iyo Routing. Waxaad sidoo kale baran doontaa sida loo aqoonsado bartilmaameedyada (Target Scoping), sida loo falanqeeyo Ports iyo Protocols, iyo doorka weyn ee DNS ku leeyahay sida aad kuso heli kartid xogaha qarsoon ee shirkadaha ama websites-ka.
Ujeeddada module-kani waa inuu ku siiyo aasaas fiican. Marka aad dhammayso koorsadan, waxaad yeelan doontaa aqoonta farsamo ee aad u baahan tahay si aad u fahanto networking-ka, ugana gudubto heerka bilowga ah adigoo si buuxda ugu diyaar garoobaya safarkaaga Web Hacking-ka iyo Bug Bounty-ga!
Start Networking Fundamentals for Hackers today
Join the SomHack academy and build real, employable cyber skills with hands-on labs in your own language.