Free / BasicBEGINNER

SQL Basics for Hackers

Module-kan wuxuu ku bari doonaa aasaaska SQL ee lagama maarmaanka u ah web hacking-ka, waxaana ka mid ah databases, tables, queries, filtering (shaandheynta xogta), wax ka beddelidda xogta, iyo SQL logic.

View Curriculum
SQL Basics for Hackers
Duration
8h
Chapters
4
Lessons
11
Labs
8
Outcomes

What you'll learn

Skills you walk away with after finishing this track.

  • Sida web applications-ku u isticmaalaan databases-ka
  • Waa maxay SQL, maxayse muhiim ugu tahay web hacking-ka
  • Sida loogu xirmo (connect) MySQL
  • Sida loo sameeyo databases-ka iyo tables-ka
  • Sida ay u shaqeeyaan columns-ka, data types-ka, keys-ka, iyo table properties-ka
  • Sida xog cusub (records) loogu daro loona akhriyo.
  • Sida natiijooyinka loo kala shaandheeyo (filter).
  • Sida ay u shaqeeyaan comparison operators-ka, NULL, iyo LIKE
  • Sida loo cusbooneysiiyo xogta horay u jirtay (existing records).
  • Sida loo kala horreysiiyo (sort) loona xaddido natiijooyinka query-gaaga.
  • Sida SQL logic-gu u shaqeeyo marka la isticmaalayo AND, OR, iyo NOT.
  • Sida kala-horreynta hawlgalada (operator precedence) ay u saameyso natiijooyinka query-ga
  • Sida UNION ay isugu geeyso natiijooyinka kasoo baxa queries kala duwan
Brief

About this course

Module-kan wuxuu ku siin doonaa aasaaska SQL ee aad u baahan tahay kahor intaadan guda gelin barashada SQL injection. Waxaad ku baran doontaa sida web applications-ku u keydiyaan una akhriyaan xogta, qaab-dhismeedka databases-ka iyo tables-ka, iyo weliba sida MySQL loo adeegsado si loola falgalo xogta keydsan.

Waxaad si toos ah ugu tababaran doontaa SQL statements-ka ugu muhiimsan ee laga isticmaalo real-world applications-ka, sida INSERT, SELECT, UPDATE, DELETE, ALTER, iyo DROP. Sidoo kale, waxaad baran doontaa sida natiijooyinka loo kala shaandheeyo (filter) adigoo adeegsanaya WHERE, sida loo is-barbardhigo qiimayaasha (values), sida loo maareeyo NULL, raadinta xogta ee LIKE, iyo sida loo xakameeyo xogta kasoo baxda query-ga (query output) iyadoo la isticmaalayo ORDER BY iyo LIMIT.

Koorasku wuxuu kaloo taabanayaa SQL logic-ga sida AND, OR, NOT, kala-horreynta hawlgalada (operator precedence), iyo UNION queries. Marka aad dhameyso kooraskan, waxaad si buuxda u fahmi doontaa sida loo dhiso SQL queries-ka, sida xogtu isaga kala gooshto web application-ka iyo database-ka, iyo sababta ay aqoontani saldhigga u tahay kahor intaadan bilaabin kooraska SQL Injection Essentials.

Ready when you are

Start SQL Basics for Hackers today

Join the SomHack academy and build real, employable cyber skills with hands-on labs in your own language.

Browse all courses